Skip to content
Xog Ururinta Ka Qaybgalka

Ma xiisaynaysaa inaad la shaqeyso carruurta? Barnaamijka Empower to Educate MN waxaa loogu talagalay qof kasta oo xiisaynaya mihnadda waxbarashada marxalada carruurnimada hore. Waxaan ku weydiisanaynaa macluumaadka soo socda si La-Taliyaha Shaqaalaha ee deegaankaagu uu sida ugu wanagsan u daboolo baahiyahaaga, u bixiyo agabka lagaga gudbi karo caqabadaha, una bixiyo latalin joogto ah, taageero, iyo caawimo intaad ka shaqaynayso gaaritaanka yoolalkaaga xirfadeed. Ma jiraan jawaabo sax ama khalad ah oo ku saabsan su'aalahan.

Kooxdayada La-taliyayaasha Shaqaalaha ee gobolka oo dhan ayaa halkan u jooga inay kaa caawiyaan inaad u diyaargarowdo oo aad si guul leh uga shaqayso barnaamijka daryeelka carruurta ee Minnesota! Laga soo bilaabo ogaanshaha sida loo bilaabo, diiwaangelinta tababarka iyo xiisadaha, dhisidda resumeygaaga, wadaagida talooyinka waraysiga, kugu xidhidhiyaha fursadaha shaqada iyo sii wadida waxbarashada iyo fursadaha latalinta, waxaanu halkan u joognaa inaanu ku taageerno tallaabo kasta oo jidka ah.